U bood dhigaalka

Uganda oo ka digtay in Al-shabaab weeraro ka geystaan dalkeeda

Sheeko:Dalka
Jeneraal Katumba
Jeneraal Katumba

Abaanduulaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ayaa digniin ku bixiyay suurta galnimada in Al Shabaab weeraro aargoosi ay ka gaystaan dalka Uganda.

Jeneraal Kantumba Wamala, Abaandulaha Ciidamada Difaaca Dalkaasi ayaa sheegay in xarakada Al-Shabaab qatar ay ku yihiin wadamada gobolka sida uu yiri.

Intaa waxa uu warkiisa ku daray Wamala in wadamada gobolka looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si ayuu yiri looga hor tago qatarahan.

Digniinta milateriga Uganda ayaa timid 10 maalmood kadib markii Mareykanku duqeyn ku dileen amiirkii xarakada Al-shabaab Abuu Zubeyr, islamarkaana ay 4-tii bishaan hogaamiye cusub u doorteen Axmed Cumar Abuu Cubeydah.

“Weerarada argagixiso ee Al-shabaab noogu geysan karaan Muqdisho iyo gudaha Uganda waa kuwo xaqiiqo ah, maxaa yeelay Al-shabaab waxay ogyihiin inaan horseed u nahay awooda looga qabsaday Buulo Mareer, Kurtunwaareey iyo meelo kale oo Muqdisho u jira ilaa 120 KM” ayuu yiri Gen Katumba Wamala.