U bood dhigaalka

Uganda Oo Shaacisay Tirada Askartii Looga Diley Dagaalkii Buulamareer

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa shaacisay tirada askartii shalay looga diley dagaalkii ka dhacay deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeen u hadlay Milatariga Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in dhankooda halkaasi ay kaga dhimatay Afar Askari, Shan kalena ay kaga dhaawacan tay.

Waxa uu Afhayeenkan sheegay in dhanka Al-shabaab ay ka dileen in  ka badan 20 dagaalyahanno, ka gubeen gaadiid, kana qabsadeen hub badan.

Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa tilmaamay in ay fashiliyeen gaadiid saarnaa walxaha qarxa oo Al-shabaab doonayeen iney ku galaan gudaha xero ciidan oo ku taalla Sh/hoose.

Al-shabaab ayaa Axaddii shalay, waxay weerar saf ballaaran ah ku qaadeen xerooyin ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Goobjoog News