U bood dhigaalka

Ugandha Oo Dhexdhexaadineysa Khilaafka U Dhaxeeya Masar, Itoobiya Iyo Suudaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni ayaa sheegay in dhibtaada biyo xireenka Wabiga Nill uu kala xaajoon doono Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaasi oo lagu wado in uu booqasho ku tago magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa tilmaamay in dalkiisa uu doonayo xal ay raali kawadayihiin dhammaan dhinacyada, hadalkan ayuu ka sheegay shir Jaraa’id oo shalay ay wada qaateen dhiggiisa Masar Cabdi Fitaax Al-siisii uuna baahiyey telefishinka qaranka ee Masar.

Madaxweynaha UgudhaYoweri Museveni oo booqasho aan la xadidin ku jooga Qaahira ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in Wabiga Niil loo adeegsado waddo marin ah oo aan lagu e kaanin oo kaliya waraab .

Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay Siisii in uu soo booqdo Kampala oo ah caasimadda Ugandha, isga oo hoosta ka xariiqay madaxweynaha Ugandha in aysan raali ka noqon doonin in uu soo socdo khilaafka ku saabsan biyo xireenka uuna ka qeyb-qaadan doono xal raadinta.

Museveni oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaa waajib ah inaan uga faa’ideysanno Wabigan sida waafaqsan danaha dalalka, waxaa jira booqasho la filayo in ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali la filayo in uu ku yimaado Kampala, waana kala doodi doonnaa arrinkan isaga, waxaana dooneynaa in aan gaarno xal ay raali ka yihiin dhinacyada oo dhan”.

Qeybta ay Masar ku leedahay  biyaha Wabiga sanadkii ayaa gaareysa 55.5 Bilyan oo mitir mu-kacab, halka Suudaan ay ku leedahay Biyaha Niil qeyb-gaareysa 18.5 bilyan oo Mitir mu-kacab.

Goobjoog News