U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Ku Dhexmaray Degmada Dayniile

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ay ku geeriyootay nawaaxiga Jaamacadii Gahayr, ka dib iska horimaad halkaasi ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badnaayeen barakacayaal, waliba haween ah, waxaana la tilmaamay in halkaasi loogu qeybinayay Kaarar raashiinka lagu qaato.

Qof ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News inuu arkay meydadka 13 qof oo haween u badan.

“Ciidamo ayaa soo weeraray meel qoraal uu ka socday oo Jaamacadda Gaheyr agteeda ah, aniga waxaan arkay dad badan oo dhintay, waxaana halkii dadka lagu qorayay soo weeraray ciidamo dowladda ka tirsan, waxaana iska caabin ay kala kulmeen askartii goobta joogtay, annaga waan kasoo kala cararnay dadkana laamiga ayuu daadsanaa” sidaasi waxaa inoo sheegtay Haweeneey ka mid ahayd dadka ku sugan halka ay wax ka dhaceen.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo aynu si kooban qadka Taleefanka kula hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay geerida 7 qof oo shacab ah, Lix ka mid ahna ay yihiin Haween.

Xaaladda halka ay wax ka dhaceen weli waa mid qasan, iyadoo goobta ay gaareen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News