U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 140 Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxyo Ka Dhacay Siiriya

Sheeko:Dalka

Qaraxyo xiriir ah oo ka dhacay magaalooyinka Xomos iyo Dimishiiq ee dalka Siirya ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 140 ruux iyo dhaawaca tiro taa ka badan.

Ugu yaraan afar qarax oo kadhacday Koonfurta magaladda Dimishiiq gaar ahaan deegaanka Sayyida Zeinab, halkaas oo ay ugu yaraan ku dhinteen 83 ruux sida warbaahinta maxalliga ah ay xaqiijisay.

Qaraxa ka hor waxaa Xomos ka dhacay qarax  kale oo ay ku naf waayeen 57, oo u badnaa dad rayid ah kadib markii laba baabuur marqura la qarxiyey.

Kooxda IS ayaa sheegatay in ay ka dambeeysay qaraxyada dhiigga badani uu ku daatay ee Labada magaallo ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa dhacay iyadoo Xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda dalka Mareykanaka John Kerry uu sheegay in dalka Ruushku uu aqbalay in dhiniciisa uu joojiyo dagaalka uu ku hayo mucaaradka dalka Siiriya.

Wakaaladda wararka ee Amaq news agency, oo lala xiriiriyo kooxda IS ayaa sheegtay in qaraxyada loo isticmaalay gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey iyo rag xiran suumanka wax lagu qarxiyo.

TV-ga dowladda ee dalka Siirya ayaa soo bandhigay sawirro murugo badan oo muujinaya dhibaatada weeraradu ay sababeen.

Goobjoog News