U bood dhigaalka

Ugu yaraan 20 qof oo lagu dilay magaalada Laas-caannood

Sheeko:Amniga

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maaliintii 8-aad wajaheysa iska hor-imaadyo u dhaxeeya shacabka iyo ciidamada Somaliland.

Ciidamada ayaa rasaas kala hortagay bilawgii isku soo baxa todobaadkii hore, taas oo sababtay in rabshadaha sii xoogaystaan.

Gadoodka shacabka ayaa bilaabmay kadib markii lagu dilay gudaha magaalad mid kamid ah aqoonyahanka gobalka Sool oo loo qayiinay Hadraawi.

Ciidamada ayaa shacabka u diiday in ay banaanbaxyo ka dhigaan magaalada Laascaannood, taas oo dhalisay in shacabka isku soo baxooda ay ciidamada kaga jawaabaan rasaas.

Inta la xaqiiijiyay in kabadan 20 ruux oo dhalinyaro, aqoonyahan, waxgarad, culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa muddo todobaad ah ciidamada ay ku dileen magaalada Laascaannood ee xarunta gobalka Sool.

Dhinaca kale kacdoon cusub ayaa gobalka ka curtay, xubna ay kamid tahay u qaabilsanihii guddiga doorashooyinka Somaliland iyo qaar kale oo gobalka ka soo jeeda ayaa xilalkoodii iska casilay.

Ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa ka baxay deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo sheegay in ay difaacayaan dadkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Isbitaalka wayn ee magaalada ayaa sidoo kale lagula tacaalaya dhaawacyada dadkii ay ka soo gaareen rasaasta ciidamada.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ku baaqay in xalka aan xabad lagu raadin loona dhimriyo shacabka.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda Somaliland ugu baaqday in la ilaaliyo dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Goobjoog News