U bood dhigaalka

10 Qof Oo Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Degmada Baardheere, Gedo

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay degmada Baardheere ee gobalka Gedo  kadib markii uu halkaas ka dhacay qarax xoog badan oo dadka degaanku sheegeen in laga maqlayay magaalada oo dhan.

Wararka laga helayo degmada Baardheere waxay sheegayaan inta la og yahay inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 9 qof oo ay ku jiraan guddoomiyihii degmada Baardheere iyo taliyihii amniga ee degmadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxani loo adeegsaday Bambaanada gacanta laga tuuro oo lagu weeraray masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidan.

Isbitaal ku yaalla Baardheere ayaa hadda masuuliyiintaan iyo saraakiisha ciidamada lagu daweeynayaa waxaana warar kala duwana y ka soo baxayaan xaaladdooda caafimaad.

Maamulka gobalka Gedo iyo kan Jubbaland weli kama aysan hadlin qaraxaasi khasaaraha badan dhaliyay waxaana saaka degmada Baardheere si weyn loo hadal hayaa qaraxaan.

Degmada Baardheere waxaa ku sugan ciidamada dowladda, kuwa maamulka Jubbaland iyo ciidamada AMISOM oo meelo kamid ah magaaladaasi fariisimo ku leh.

Goobjoog News