U bood dhigaalka

Uhuru iyo Rooble oo Ka Wada Hadlay Kiiska Badda

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalo xeebeedka Mombasa kula ku yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, ganacsiga iyo kiiska badda.

Madaxweynaha Kenya oo ugu horeyn goobta ka hadlay waxaa uu sheegay baahida loo qabo in dhinacyada ka shaqeeyaan arrimaha amniga, ganacsiga iyo maalgeshiaga iyo in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiskii 2015-kii ee lahaa dhisay guddiga la magacbaxay JCC.

Madaxweyne Uhuru waxaa uu soo dhoweeyey soo celinta xiriirka labada dal isaga oo soo jeediyey in si saxiibtinnimo ah lagu xalliyo kiiska badda ee hadda taalo maxkamadda cadliga adduunka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu carabka ku adkeeyey in xasilooni dal iyo mid gobolka ay fure u tahay horumarka isaga oo intaa raaciyey in kobaca dhaqaalaha uu ku iman karo jawi Nabad ah.

Dhankeeda qoraal kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxa lagu sheegay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ku jireen kiiska badda isla markaana uu Rooble sheegay in kiiska lagu dhameyn doono maxkamadda, uuna soo dhoweeyey iskaashiyada amniga iyo dhaqaalaha.

Qoraalka waxaa lagu yiri: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Lama oga in dhinacyada ay kala saxiixan doonaan heshiisyo iyo in sidan lagu kala tagayo, laakin waxaa muuqato in Kenyaanka ay riixayaan in kiiska badda lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda cadliga adduunka.