U bood dhigaalka

Uhuru Kenyatta:- ICJ Cadaalad Maaha, Waxaan Sameyn Doona Wax kasta Si an U Ilaaliyo xuduudaha Jamhuuriyadda

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si kulul uga hadlay go’aankii maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Soomaaliya gacanta loo gelinayo inta badan biyaha badweynta Hindiya ee markii hore ay muranka galisay Nairobi, mandaqadaas oo la filayo in ay qani ku tahah saliid iyo gaas.

“Maadaama an ahay Madaxweynaha iyo taliyaha guud ee ciidamada, waxa an sameyn doonaa wax kasta si aan u ilaaliyo jamhuuriyaddeena weyn” ayuu ku hanjabay Uhuru oo ka hadlayay go’aanka ICJ.

Kenyatta ayaa Sheegay in dowladdiisu “ay diideyso gebi ahaanba oo aysan aqoonsaneyn natiijada go’aanka” ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay The Hague, inkastoo ICJ ay Nairobi siisay qeyb yar oo ka mid ah biyaha ay marii horeba iyadu muranka galisay ee xeebta Bariga Afrika.

Iyadoo Kenya ay diidan tahay inay aqoonsato waxa ay ku tilmaantay awoodda maxkamadda “eexda” ah, ayaa hadana waxaa isha lagu hayaa tallaabada xigta ee Nairobi ay ka sameyso biyahan oo dhaca mid kamid ah marinada ugu muhiimsan adduunka.

Soomaaliya ayaa dacwad ku soo oogtay Kenya sannadkii 2014 -kii ka dib markii sannado badan ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo muranka kenya ay galisay dhul baaxaddiisu dhan tahay 100,000 km oo laba jibaaran, Garsoorayaasha ICJ ayaa si wadajir ah u go’aamiyay in uusan jirin “xuduud badeed la isku raacsan yahay” ayna maxakamadu sameeysay xuduud cusub oo u dhow tii ay Soomaaliya kudooday.

Si kastaba ha ahaatee hanjbaadda Uhuru ayaa kusoo aadaysa iyadoo Kenya ay heshay qayb ka mid ah biyihii ay muranka galisay ee 100,000 km oo labajibaaran, sida ay sheegtay Joan Donoghue madaxa garsoorayaasha ICJ.

Xukuumadda Nairobi ayaa todobaadkii hore sheegtay inaysan aqoonsan doonin xukunka maxkamadda, iyadoo ku eedeysay in hannaanka garsoorku uu yahay “eex cad”

W/Q: Yaxye Soocade.

GOOBJOOG NEWS