U bood dhigaalka

Uhuru Kenyatta oo maxkamadda caalamiga ee dambiyada hortagay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo arbaca ah abaarihii 11-kii subaxnimo kasoo hor muuqday maxkamadda caalamiga ee dambiyada, halkaasi oo uu ku wajahayo eedeymo la xiriira dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Taageerayaasha Kenyata ayaa soo dhoobtay dibadda maxkamadda si ay u taageeraan Uhuru, dadkaasi waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo Wasiiro shalay usoo raacay Netherlands.

Wajiyada ugu caansan dadka Maxkamadda horjoogay waxaa ka mid ah: Senator-ka Nairobi Mike Sonko, Joshua Sang, xaaska Uhuru ee Margaret iyo gabadhiisa Ngina

Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada waxay iska diiwaan galiyeen Maxkamadda si ay u fariistaan fadhiyada dadka caadiga ah loogu talagalay una dhageystaan dacwada.

Mr Kenyatta ayaa looga yeeray maxkamaddani kaddib markii dacwad oogeyaasha maxkamaddani ay ku eedeeyeen dowladda Kenya in ay ku guul dareysatay in ay u soo gacan geliso caddeymo muhiim ah oo ay doonayaan in ay ku xoojinaya dacwadda ka dhanka ah Uhuru Kenyatta.

Fatou Bensouda ayaa ka dalbatay Uhuru Kenyatta inuu soo gudbiyo lacagta ugu jirta bankiga, Warbixin ku saabsan telephone-kiisa, Lacagtiisa inta ay la egtahay, Cashuurihii uu bixin jiray iyo hantidiisa kale sida Guryaha, Dhulka iyo Baabuurta.

Uhuru ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo isaga oo xil haya la horgeeyo maxkamaddaasi.

Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa labaduba lagu eedeeyay in ay dhaqaalo ku bixiyeen isla markaana ay soo abaabuleen rabshadihii ka dhashay doorashadii lagu murmay ee sanadkii 2007 taasoo ay ku dhinteen 1,200 halka ay ku barakaceen 600,000.

William Ruto oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa loo magaacay Jagada sii hayaha talada Madaxweynimo ee dalka Kenya mudada ay socota maxkamadda, Ruto ayaa lagu wadaa inuu sii wado shaqadii Harambee House.