Uhuru Kenyatta Oo Si Kulul Uga Hadlay Weerarkii Askarta Looga Dilay Ee Dhoobley

Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay weerar fiidnimadii Axadda ay Al-shabaab ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo marayey degmada Dhoobley.

Weerarkan ayaa ahaaa qarax Miino oo dhulka lagu aasay, waxaana ku dhintey dhowr askari oo ciidanka Kenya ah.

Madaxweynaha Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay kaga dhimatay 9 Askari, Labo kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna dhanka kale sheegay ion weerarkan qaraxa ahaa mid gaadmo ah.

Kenyattta ayaa sheegay in marnaba aanay waxbo u dhimi doonin weerarkaasi howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, waxaana ay tilmaameen in khasaare xooggan soo gaarsiiyeen ciidamada Kenya.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW