U bood dhigaalka

Uhuru Kenyatta: Soomaaliya oo xasisha dan ayay u tahay Kenya

Sheeko:Dalka
Uhuru Kenyatta
Uhuru Kenyatta

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galaya shir waynaha qaramada midoobey uga socda magaalada New York ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya taageerayaan ilaa inta ay dalkeeda oo dhan ka nabadeynayso.

Kenyatta ayaa tilmaamay in amaanka Soomaaliya oo la xoojiyo ay ku xiran tahay in dalxiiskii Kenya uu dib u soo naalaado, isagoo sheegay in dalxiiska dalkiisu uu hoos u socday tan iyo markii weerarrada argagaxiso lagu soo qaaday Kenya.

“Sida aan maleynayno Al-shabaab oo laga adkaado ayay ku jirtaa in horumar siyaasadeed iyo mid nabadeed la gaaro,” ayuu yiri Kenyatta isagoo xusay in ciidamadooda Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM ay Al-shabaab deegaano badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla ay ka saareen.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in amni ka dhasha Somalia uu yahay kan horseedi kara ilaalinta deegaanka iyo ka hortaga kooxaha ugaarsiga ku haya duur-joogta.

“Deggenaashaha Soomaaliya wuxuu dib u soo celin doonaa ganacsiga guud ee Kenya, waxaana rajeynaynaa inay taasi dhici doonto,” ayuu ku sheegay hadalkii uu ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay.

“In ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa dalka Kenya ku nool; waa awood bani’aadam oo loo baahan yahay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalkooda,” ayuu mar kale yiri Kenyatta.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weeraro laga geystay gudaha Kenya oo uu ugu weynaa kii Westgate.