U bood dhigaalka

UK, CANADA iyo Mareykanka Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Shiinaha

Sheeko:Amniga

Wasiirada arimaha dibada ee Canada iyo UK iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dowladda Shiinaha ay ku heyso  Muslimiinta Uyghur.

 

Bayaankan , oo ay ku jiraan dokumentiyada u gaarka ah dawladda Shiinaha,  iyo markhaatiga goobjoogayaasha u ah dhibaatada lagu haayo Muslimiinta

 

“Barnaamijka ballaaran ee Shiinaha ee caburinta waxaa ka mid ah xayiraad adag oo ku saabsan xorriyadaha diinta, isticmaalka shaqooyinka qasabka ah, xirxirida badan ee xeryaha gudaha, quursiga qasabka ah, iyo baabi’inta wadajirka ah ee dhaxalka Uyghur,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen  Wasiirka Arimaha Dibada ee Canada Marc Garneau, Arimaha Dibadda ee UK,  Xoghaye Dominic Raab iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken.

 

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa muhiimada daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka waxaana ugu baaqeynaa Shiinaha in ay siiso bulshada caalamka, oo ay ku jiraan baarayaasha madaxa banaan ee ka socda Qaramada Midoobay, saxafiyiinta iyo diblomaasiyiinta ajaanibta ah, helitaanka Xinjiang oo aan laga hor istaagin,” ayey yiraahdeen.

Qoraalka ka soo baxay Mas’uuliyiintan ayaa intaas lagu daray “Waxaan sii wadi doonaa inaan si wada jir ah u istaagno si aan toosh ugu ifino xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Shiinaha, Waxaan u istaageynaa midnimo waxaana ugu baaqeynaa cadaalad kuwa ku dhibaateysan Xinjiang. ”

 

Gobolka Xinjiang waxaa ku nool qiyaastii 10 milyan oo Uyghurs ah, Kooxda muslimiinta Turkic-ga ah, oo ka kooban qiyaastii 45% dadka ku nool gobolka Xinjiang, ayaa muddo dheer ku eedeynayay mas’uuliyiinta Shiinaha takoor dhaqameed, mid diimeed iyo mid dhaqaale.

Ilaa 1 milyan oo qof, ama qiyaastii 7% dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Xinjiang, ayaa lagu xirey shabakad ballaarinaysa oo kaamam “dib-u-barasho siyaasadeed, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka iyo khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay.

GoobJoog