U bood dhigaalka

UK : Ma Taageri Doonno Hanaan Doorasho Oo Hal Dhinac Ah

Sheeko:Amniga

Dowladda Ingiriiska oo warka soo saartay xaaladda Siyaasadda dalka, ayaa sheegtay in aysan taageri doonin Hanaan walba oo doorasho Hal dhinac.

Qoraal ka soo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in hogaamiyayaasha Soomaalida in ay isku yimaadan si loo dhameystiro Heshiiskii doorashada 17 September iyo Is afagaradkii Baydhabo ku dhex maray Guddiyada Heer Faderaal iyo Heer Dowlad gobaleed 15-16 February .

“UK waxeey  hoosta ka xarriqeysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay isu yimaadaan oo ay ka gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo Heshiiskii 17-kii Sebtember iyo soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo” ayuu yiri wasiirka Africa ee UK James Duddridge.

James ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Ingiriiska aysan Taagera ka heli doonin hanaan walba oo hal dhinac ah ama isbar-bar socda.

“(UK) ma taageeri doonto ficilada horseedaya geedi socodka doorashooyinka qayb ahaan ama isbarbar socda, ama si toos ah loogu kordhinayo waqtiga Hay’adaha Dowlada”

Hadalka UK ayaa intaasi la sii raaciyay in Hogaamiyayaasha Soomaalida looga baahan yahay in ay xal ka gaaran Ismari-waaga ku hor gudban .

 

” Anagoo ka duuleyna danaha dadka Soomaaliyeed, iyo danaha wadajirka ah ee aan ka leenahay amniga, horumarka iyo koritaanka Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga jira, oo ay galaan wadahadallo wax ku ool ah oo ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyin loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo.”

 

Hadalka UK ayaa yimid xilli Madaxda Soomaalida maalmihii u dambeyay ay wajahayeen culeyso uga imaanayay Dowladaha Taagera Soomaaliya.