U bood dhigaalka

UK oo ku dhawaaqday taageero cusub oo ay siineyso dalal ay Soomaaliya ku jirto

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay bixineyso taageero cusub oo ay ugu deeqeyso dadka ay abaarta saameysay ee geeska Afrika ku nool.

Wasiirka horumarinta UK Vicky Ford, ayaa sheegay in dowladda ay bixineyso lacago cusub oo loogu deeqayo dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Vicky, oo khudbad ka jeedisay meertada golaha qaramada midoobay ee loo dhan yahay, taas oo looga hadlayay arrimaha dhibaatooyinka Bini’aadanimada ee geerka Afrika ayay sheegtay in £22.8 milyan oo ganni ay dowladda Ingiriiska ay ku bixineyso u gurmashada dadka abaarta ay saameysay .

Wasiirka horumarinta UK Vicky Ford, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday in wax laga qabto sidii looga hortagi lahaa musiibo lamid ah tii gobalka ku dhufatay sanadkii 2011-kii, xilligaas oo rubuc milyan qof ay ku nafwaayeen abaahara ku dhuftay Soomaaliya.

UK ayaa sidoo kale sheegtay in 300,000 qof oo Soomaaliya ku nool ay halis daran wajahayaan haddii aan gurmad lala gaarin ka hor October sanadkaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in £156 milyan oo ganni ay sanadkaan ugu deeqeen xasaradaha ka jira bariga Afrika, iyadoo Soomaaliya sanadkaan lagu kabay £52.8 milyan oo ganni miiyaasinayadeedii.

Goobjoog News