U bood dhigaalka

UK oo ku dhawaaqday taagero ay siinayso Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay bixineyso deeq cusub si wax looga qabto xaaladda macluusha ah ee ka jirta Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta UK oo Soomaaliya ku sugan ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto baahida ka jirta Soomaaliya.

Taageerada Ingiriiska ayaa la gaarsiinaya dhinacyada Caafimaadka, Carruurta, Haweenka, Isbaddelka Cimilada iyo dadka ay saameysay abaarta ka jirta Soomaaliya.

Dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya ayaa weli sii xumaanaya, iyadoo 300,000 qof la saadaaliyay inay macluul ku jiraan, halkan 1.8 milyan oo carruur ah ay halis ugu jira nafaqo-xumo.

Wasiirka horumarinta, Rt Hon Andrew Mitchell MP ayaa yiri” Soomaaliya ayaa wajaheysa mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka, iyadoo malaayiin qof ay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar, oo ay ku jiraan in ka badan nus milyan carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano jir oo halis ugu jira dhimasho”

“Waxaan booqday Soomaaliya sanadkii 2011-kii oo ay ka jirtay macluul aad u daran, waxaana aad uga naxay dadkii ku dhintay” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka.

Goobjoog News