U bood dhigaalka

UK Oo Shaacisay Magaca Soomaaligi Dilay Xildhibaan Sir David

Sheeko:Amniga

Booliiska dalka UK ayaa shaaciyay magaca nin Soomaali ah oo loo heystay dilka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas oo Jimcihii lagu dilay Essex.

Ninkaan magaciisa booliiska ay sheegen oo la qabtay kadib markii uu dilka dhacay ayaa sidoo kale booliisku cadeeyen in uusan horay ugu jirin liiska dadka ay baadigoobayeen sirdoonka boqortooyada England.

Eedeysanaha booliiska ay soo bandhigeen ayaa lagu magacaaba Cali Xarbi Cali , kaas oo ah 25-jir heysta dhalasha UK asal ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya.

Cali ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska Essex, halkaas oo su’aallo ay ku weydiinayaan ciidamada dambi baarista.

Xildhibaanka dilkiisa loo heysto ninkaan  ayaa jimcihii lagu dilay weerar loo adeegsaday Middi (Toorey), xilli uu dadki soo doortay kulan kula lahaa Kaniisad ku taalla Essex.

Wasiirka Amniga UK ayaa durba amray in Booliiska ay adkeeyaan ammaanka xildhibaanada dalka oo dhan, si looga hortago falalka noocan ah.

Goobjoog News