U bood dhigaalka

UK Oo Soomaaliya Ka Saartay Liiska Dalalka Qadka Cas Oo Horay Ay Ugu Dartay

Sheeko:Amniga

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka saartay liiska dadka dalkeeda marka ay yimaadaan la karantiilayo.

Liiskan ayaa horay Soomaaliya loogu daray kadib markii xukuumadda ra’iisul wasaare Boris ay sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha uu sida daran ugu faafay safmareenka Covid-19.

Golaha Wasiirada UK ayaa hadda go’aan ku gaaray in Soomaaliya laga saaro dalalka xanibaadaha Corona Virus ay UK saartay.

UK ayaa horay 47 dal u saartay xayiraadahaas, xilli hadda liiska qadka Cas ee UK ay ku hareen kaliya illa iyo todobada dal kuwaas oo ku teedsan laatin Ameerika.

Goobjoog News