U bood dhigaalka

Ukraine oo Midawga Yurub kala shireysa sidii ay ugu biiri lahayd

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Ukraine ayaa lagu wadaa in kulan la qaato hoggaanka sare ee midawga yurub, si ay Ukraine ugu biirto midawga yurub.

Kyiv ayaa isku diyaarineyso martigelinta kulan weyn oo ay yeeshaan  Volodymyr Zelensky, Charles Michel iyo Ursula von der Leyen, waxaana looga hadlaya sidii ay Ukraine u heli lahayd taageero dheeri ah.

Bishii June ayay ahayd markii Ukraine ay kamid noqotay tartamayaasha dhabta ah ee midawga Yurub, kulankaan ayaana lagu sii gorfeyn doonnaa arrimaha ku biiritaanka midawga Yurub.

Zelensky ayaa doonaya in ay bilaabmaan qorshaha dalkiisa lagu aqbalayo bilawga sanadkaan cusub ee 2023-ka, kaas oo Kyiv ka saacidaya in ay garab u hesho duullaanka uu Ruushka ku soo qaaday dalkeeda.

Goobjoog News