U bood dhigaalka

UN-ka: Galmudug Waxaan Ka Codsannay In Qeybdiid Laga Reebo Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Afhayeenka Michael Keating ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in Michael Keating  uu warqad u diray madaxweynaha Galmudug kana codsaday in liiska aqalka sare laga saaro Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid.

Warqadda ay Goobjoog News heshay isla markaana uu xafiiska UN-ka xaqiijiyay jiritaankeeda waxaa lagu sheegay in Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid uu yahay hogaamiye kooxeed qeyb ka ahaa dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, isla markaana aanu boos uga bannaaneed doorashada 2016-ka.

Michael Keating oo ah ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa sidoo kale warqadda ku sheegtay in ay ka hortageyso in Soomaaliya ay dib ugu laabato maalmihii madoobaa ee dagaallada Sokeeye.

keting-to-guled