U bood dhigaalka

UN-ka iyo AMISOM Oo Lagu Eedeyay In Garoonka Muqdisho Ka Dhoofiyaan Qalabyo Aan La Baarin

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xirtay terminalka MOVCON ee garoonka diyaaradaha Adan Cade kaas oo ahaa mid u qaas ah AMISOM, UN iyo Saaxiibada caalamka.

Amarka ayaa yimid kadib markii wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya ay sheegtay in qeybta gaarka ah ee loogu talagalay in ay ka dhoofaan madaxda safaaradaha, howl wadeenada UN-ka iyo AMISOM in ay jiraan shaqsiyaad kale oo ka duula qeybtaas.

Warqad kasoo baxday maareeye ku-xigeenka garoonka Aadan Cadde, Caydaruus Axmed Kaahiye ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Wasaaradda arimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegatay in ay jiraan wax yaabo laga soo dejiyo qeybta terminaalka MOVCON  oo aanan baarista saxda ah marin, iyadoo sidoo laga dhoofiyo agabyo aan la aqoon.

Waxaa la amray hadda in la xiro dhamaan qeybtaas iyadoo lagu wargeliyay UN, AMISOM iyo madaxda safaaradaha in ay ka soo dagaan qeybta shacabka iyo qeybta VIP-da garoonka Aden Cadde.