U bood dhigaalka

UN-ka Oo Lagu Helay In Soomaalida Ku Ridaan Shuban-biyood, Daadiyaan Qashin-ka, Saxarada iyo Haraadiga Daawada

Sheeko:Dalka

Xafiiska adeegga daba-galka ee Qaramada midoobey gudaheeda(OIOS) ayaa ogaaday in xafiis qaramada midoobey ka tirsan oo ku shaqo leh taageerada Soomaaliya, loona yaqaano UNSOS ay mas’uul ka yihiin daadin saxarada, wasaqda, Bulaacado, Daaweyn la’aanta biyaha, qashinka shidaalka, haraadiga daawada la isticmaalay iyo arrimo kale, taas oo dhibaato u geysatay bey’ada iyo deegaanka, keentana shuban-biyood.

Kooxdan la eedeeyay UNSOS—the acronym stands for United Nations Support Office in Somalia,   tiradooda waa 595 qof, waxaa ay shaqadooda tahay in ay UN-ka ka caawiyaan dhismaha kaabayaasha, taageero shaqada bannnaanka ah, waxaa kale oo ka mid ah in laga taqaluso ama meel aamin ah oo dadka iyo deegaanka aan wax-yeeleyn lagu shubo saxarada, bulaacadaha iyo qashinka, waxaa ay la shaqeeyaan UNSOS illaa 30,000 oo AMISOM ah iyo ciidamada xoogga dalka.

Hey’addan Qaramada Midoobey ka tirsan ee UNSOS, waxaa ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaale, waxaa ay keenaan wax walbo qalabka illaa isgaarsiinta cir iyo dhulka ah, maal-gelinta iyo miisaaniyadda iskaba daa daaweynta biyaha, sameynta bulaacadaha iyo ka taxadirka bey’ada.

Hey’adda qooraalka soo saartay ee (OIOS)  waxaa ay la yaabtay in Baydhabo oo ay xarun ku leeyihiin ay sanadkii hore ee 2017 shuban-biyood ku dhacay illaa 60,0000 oo qof, dadkaasi oo 800 oo ka mid ah ay dhinteen.

Daba-galka waxaa lagu ogaaday in UNSOS ay qashinka iyo saxarada ku shubaan meelo aan loogu talo-gelin, Baydhabo dhulka ayey ku daadiyaan halka Muqdisho ay ku shubaan badda, qaar qashinka iyo saxarada ka mid ah waxa ay ku daadiyeen meel 180 tilaabo u jirta goobta ay cag-dhigtaan diyaaradaha Muqdisho, sidoo kale shidaalka iyo saliidda ay isticmaalaan wax qoraal lagama haayo.

Kooxda daba-galka waxaa ay Soomaaliya yimaadeen July to October 2017 laakin waxaa ay qoraalkan soo saareen bartamihii Janaayo 2018, waxaana muddada ay joogeen daba-gal ku sameeyeen sida UNSOS u shaqeyn jirtay 2015-2017, sida ay sheegeen hey’addan daba-galka UNSOS waxaa ay qabsatay illaa December 2018 si ay wax uga qabato dhibaatada ay u geystaan bey’ada Soomaaliya.

Goobjoog News