U bood dhigaalka

UN Monitoring Group: Mr. Xassan Khayre Wax Xiriir Ah Lama Laha Kooxaha Mayalka Adag

Sheeko:Dalka

Kooxda dabagalka cunaqabateynta hubka ee Eritrea iyo Soomaaliya (UN monitoring group) ayaa ku sheegay warqad ay heshay Goobjoog News isla markaana loo  diray dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey in agaasimaha Soma Oil and Gas ee Soomaaliya aanu wax xiriir ah la laheyn kooxaha Mayalka Adag.

Warqaddan oo la soo saaray June 9, 2016kii waxaa lagu sheegay in Webka Buzzfeed uu  daabacay March 10, 2016ka in UN monitoring group uu baarayo xiriir ka dhaxeeya Mr. Xassan Khaire oo ah agaasimaha Soma Oil and Gas iyo Kooxaha mayalka adag.

UN monitoring group ayaa Xasan Kheyre ka bari yeeshay ama ku waayey  in uu xiriir la leeyahay Kooxahaas iyadoo sidaana u sheegtay cidda ay arrinkaas khuseyso sida dowladda Soomaaliya iyo qaramada Midoobey.

November 29, 2015: War saxaafadeed ay heshay Goobjoog News waxaa ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in qalad lagu waayey wasaaradda Petroolka dalka kadib markii guddi ka tirsan dowladda ay baaritaan ku sameeyeen eedeymaha UN monitoring group ee shaqaalaha wasaaradda.

Warqadda La soo Gaarsiiyay  Goobjoog News Ee UN monitoring group uga Hadlayaan  Xassan Khayre  Akhriso:

Somalia and Eritrea Monitoring Group – Mr Hassan Khaire (1)