U bood dhigaalka

UNHCR: 39,316 qof Oo Qaxooti Soomaali Ah Ayaan Dib Ugu Celinay Dalkooda

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa shaacisay tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee ay ku caawisey in si iskood ah ay dalka dib ugu soo laabtaan tan iyo sanadkii 2014.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in dalka ay dib ugu soo celiyeen dad gaaraya 39,316 qof, kuwaasi oo si iskood ah uga soo laabtey xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Waxay hay’addu sheegtay in inta badan dadkaasi lasoo celiyey sanadkii tagey ee 2016, kadib markii ay dalbadeen in dalkooda lagu celiyo.

UNHCR ayaa sheegtay in dadkaasi qaarkood lagu soo daabulay diyaarado lagana dejiyey magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Qoraalka kasoo baxay UNHCR ayaa sidoo kale lagu sheegay in Isniinta berri ah ay dib u bilaaban doonto safarada dhanka dhulkaa ah ee lagu soo daabulayo Qaxootiga Soomaliyeed ayna soo bixi doonaan Afar Kolonyo oo mid walbo ka koobay 350 illaa 500.

Muwadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku noola dalka xeryaha Qaxootiga Kenya ayaa billaabay iney dib si iskood ah ugu soo laabtaan dalkooda.

Goobjoog News