U bood dhigaalka

UNHCR oo Ka Digtay Rajo Xumo Ku Sii Kordheysa Qaxootiga Soomaalida ah ee Ku Nool Waddamada Dariska

Sheeko:Dalka

Ku dhawaad 1-Milyan oo Soomaaliya oo ku nool xeryo qaxooti ah oo ku yaalla Geeska Afrika ayaa waxaa soo waajahday quus iyo rajo beel sii kordhaysa una dulqaatay qaxootinimo muddo aad u dheer oo ka badan Rubuc Qarni.

Maxamed Cabdi Afeey oo ah danjira gaarka ah ee qaxootiga Soomaalida u qaabilsan hay’adda UNHCR ayaa yiri; “Waxaa jira dareen isasoo taraya oo quus ah, maadaama ay dadku dareemayaan in la illoobay”.

Waxa uu xusay in deeq bixiyeyaasha indhahooda ay u jeesteen xaaladaha ka jira Suuriya iyo K.Suudaa:

“Waxaa jira daryeel la’aan, sababtuna ay tahay wakhtiga oo dheeraaday, adduunkuna uu ku mashquulsan yahay goobo kale, waxaa la illaaway xilligii ay waxtar u baahnaayeen, baahidii way sii korortay, niyadjabkiina waa uu sii batay, dadkii aad ayay u caraysan yihiin”.

Danjire Afey ayaa sheegay iney waajib tahay in la tababaro dadka qaxootiga ah si ay uga qeybqaataan dhismaha waddankooda iyo in laga taxadaro in la arko qof 30-jir ah oo aan waxba garaneyn mihnad uu ku shaqeystana aan lahayn.

Dad 1-milyan oo qof ku dhawaad Soomaali ah ayaa u barakacay waddamada dariska la ah Soomaaliya, halka 1.1 milyan oo qof ay iyaguna ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, dalkeenna ayaa waxaa qaxooti uga maqan dad aad u farabadan oo ku dhibaataysan xeryaha dowladaha dariska ah,kuwaas oo quud-dareynaya iney mar un arkaan waddankii oo nabad ah, fursadihii noloshana ay ku heli karaan.

Goobjoog News