U bood dhigaalka

UNHCR Oo Shaacisay Tirada Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Tan Iyo 2014-kii

Sheeko:Dalka

Ku dhawaad 5,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya tan iyo bishii December ee sanadkii 2014-kii sida ay sheegtay hay’ada qaxootiga ee UNHCR.

Warbixin cusub oo laga soo-saaray magaalada Geneva ayaa lagu sheegay in 4,500 oo qaxooti ah iney doonayaan iney dib ugu laabtaan Soomaalia bilaha soo-socda.

Afhayeenka hay’ada qaxootiga ee UNHCR Adrian Edwards ayaa sheegay in qaxootiga laabanaya la siinayo lacag, raashin agabka guryaha lagu isticmaalo sida jiifka, shabaqa kaneecada iyo maacuunta la adeegsado si ay uga caawiso la qabsashada nolosha cusub oo ay gelayaan.
Adrian Edwards wuxuu sheegay in marka la fiiriyo xaaladaha ammaan ee qeybo badan oo ka tirsan Soomaaliya aysan habooneyn in tiro badan oo qaxooti ah dib loo celiyo hadana wuxuu sheegay in dad badani ay iyagu aad u doonayaan iney ku laabtaan dalka islamarkaana qeyb ka qaataan dib u dhiska dalka.

Afhayeenka hay’adda qaxootiga ee UNHCR Adrian Edwards wuxuu sheegay si loo helo jawi deggan oo qaxootigaas ay dib ugu laaban karaan Soomaaliya waa in marka hore la xaqiijiyo ammaanka iyo degenaanshaha qaxootigii horey ugu laabtay dalka marka la helo ayuu jiri xaalad dadkaasi ay ku laaban karaan ayaa tirada dadka laabanaya ay noqon kartaa mid sare u kacda oo dadka ay helayaan kalsooni ay ku laabtaan.
Adrian Edwards wuxuu sheegay in beesha caalamka looga baahanyahay iney bixiso taageero iyo maalgelin iyadoo ayuu yiri loo baahanyahay in wax laga qabto kaabayaasha dhaqaalaha.

Afhayeenku wuxuu sheegay in walaaca amni dari ee ka jira dalka, goobaha waxbarashada oo aan haysan qalabkii ay u baahnaayeen iyo fursado shaqo oo aan jirin ay sababeen in dad badan aysan jecleysan iney dalka dib ugu laabtaan.

Adrian Edwards wuxuu sheegay in maalinta arbacada ah uu ka dhici doono shir magaalada Brussels kaasoo looga hadli doono qaxootiga Soomaaliyeed iyo qaabkii loo celin lahaa wxuu intaas ku daray in shirka ay kasoo qeybgeli doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo wafdi uu hogaaminayo waxaa iyana kasoo qeyb galaya wadamada Kenya, Ethiopia, Uganda, Djibouti, iyo Yemen.

Shirka ayaa looga hadli doonaa qorshe lagu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka jooga islamarkaana lagu tilmaamo goobaha la geyn karo.

Waxaa sidoo kale looga hadli doonaa waxyaabaha qaxootigaasi ay u baahanyihiin iney helaan sida ammaan, waxbarasho, biyo nadiif ah caafimaad hooy iyo fursado shaqo.

In ka badan 2 million oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa jooga gobolka waxaana ka mid ah 1.1 million oo dalka gudihiisa ku barakacay iyadoo intaas ka badana ay joogaan wadamada deriska la ah Soomaliya.

Goobjoog News