U bood dhigaalka

UNHCR Oo Soo Dhoweysay Dib u Dhista Dowladda Kenya Ee Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Madoobe ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa soo dhoweysay tallaabadii dowladda Kenya ay ku kordhisay muddo xiritaanka xeryaha Dhadhaab.

War ka soo baxay Qaramada UNHCR ayaa lagu sheegay in Hay’addu ay soo dhoweynayso muddadaasi dowladda Kenya ay ugu kordhisay qaxootiga ku nool xeryaheeda.

Waxay hay’addu sheegtay in taasi ay fursad weyn siin doonto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryahaasi si ay uga sii fikiraan arrimaha ku aadan in ay iskood ku laabteen iyo in kale.

Hay’addu waxay hoosta ka xariiqday in mar walbo ay bogaadinayaan in si nabad galyo ah qaxootiga ay ku joogaan halka ay ku nool yihiin, islamarkaana cid walbo oo doonaysa in dalkeeda dib ugu laabato laga saacidi doono arrintaasi.

Dowladda Kenya ayaa muddo lix bil ah dib u dhigtay xiritaanka xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin nus milyan dad Soomaaliyeed kuwaasoo qaarkood hadda dib ugu soo laabtay gobollo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News