U bood dhigaalka

UNICEF oo Dalbatay in Dib Loo furo Iskuullada Xilli Dowladda Federaalka ah ay Xirtay!

Sheeko:Amniga
Hey’adda qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa ugu baaqday dalalka dunida iney dib u furaan iskuullada ay caruurta wax ku bartaan si aaney waxbarashada u istaagin.
Qoraal ay goordhow soo saartay hey’addan, waxaa ku xusnaa in caruurta iskuulada laga xirtay ee waxbarasho la’aanta ah ee iminka dunida ku nool ay gaarayaan ilaa 168 milyan.
Caruurta oo muddo sanad ah waxbarasho la’aan ahaa ayaa loo sababeeyey Covid 19.
Xarunta UNka ee magaalada Newyork ayaa la dhigay ilaa 168 kursi oo ay boorsooyin dul saaran yihiin, halkii kursi waxaa uu u dhignaa hal milyan oo ardey oo waxbarasho la’aan ah!
Baaqan hey’adda UNICEF ayaa ku aadaya xilli dowladda federaalka ay soo saartay amar lagu xirayo iskuulada ay caruurta wax ku bartaan, waana markii 2-aad oo ay sidaa sameyso muddo sanad ah.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka UNICEF