U bood dhigaalka

UNICEF Oo Ku Baaqday In La Ixtiraamo Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda UNICEF islamarkaana nuqul ka mid ah soo gaaray Goobjoog News ayaa lagu dalbaday in la dhowro dhammaan xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:-

UNICEF ayaa ku baaqdey in hawsha lagu hirgelinayo xuquuqaha aadanaha ee dhammaan carruurta Soomaaliyeed la siiyo mudnaan ka dib markii ay Soomaaliya sanadkii la soo dhaafey ansaxisey Heshiiska Xuquuqaha Carruurta.

Arrintan ayaa timid iyada oo UNICEF ay faafineyso warbixin-sanadeeddeedii ugu muhiimsaneyd ee Xaaladda Carruurta Dunida oo sanadkaan diiradda lagu saarayo dhibaatada haysata carruurta ugu saboolsan dunida.

“Waxaan qof walba oo dalka jooga oo daneynaya mustaqbalka Soomaaliya – haddii ay yihiin dowlado, deeq-bixiyeyaal, ururrada bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaal bulsho, hooyooyin iyo aabbeyaal – ugu baaqeynaa in ay dadaalkooda isugu geeyaan wax u qabashada carruurta ugu nugul iyo carruurta ku nool meelaha ay ugu adag tahay in la gaaro,” ayaa uu yiri Ku-simaha Wakiilka UNICEF mudane Jeremy Hopkins.

“Waxaa laga yaabaa in carruurtani ay ku nool yihiin degaanno miyi ah oo aan la gaari karin, xerooyinka barakacayaasha, waxaa laga yaabaa in ay ka mid yihiin kooxaha laga tiro badan yahay ama ay qabaan baahiyo gaar ah oo iyaga ku khaas ah. Waxaa loo baahan yahay in aan wax u qabanno dhammaan carruurta laakiin waxaa dhab ahaan waajib ah in aan ka wada shaqeyno wax u qabashada carruurta ugu nugul.”

Warbixinta Xaaladda Carruurta Dunida ayaa soo ogaatey in ay yar tahay sida Soomaaliya ay u suurtageli karto in ay gaarto Yoolka Horumarka Waara ee ah hoos-u-dhigista dhimashada carruurta ka yar shan sano jirka ee la doonayo in la xaqiijiyo marka ay taariikhdu tahay 2030ka waa haddii aan maaliyad dheeri ah la gelin mustaqbalka kuwa saboolka ah.

“Dhammaan carruurta ku nool Soomaaliya waxaa ay mudan yihiin fursad ay ku tagaan iskuul, ay ku ahaadaan kuwo caafimaad qaba, ay ku helaan biyo nadiif ah oo lagagana ilaaliyo xadgudub ama in lagu khasbo in ay ku biiraan kooxo hubeysan,” ayaa uu yiri Peter de Clercq, oo ah Madaxa Qaramada Midoobey iyo Xiriiriyaha Hawlaha Bai’aadamnimada ee Soomaaliya.

“Madaxda Soomaaliyeed waxaa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay wax u qabashada carruurta iyo dhallinta ka dib markii ay ansaxiyeen Heshiiska Xuquuqaha Carruurta waxaana aan ku taageereynaa sidii ay ku xaqiijin lahaayeen arrintan.”

Warbixinta Xaaladda Carruurta Dunida ayaa muujineysa marka heer caalami ahaan loo eego in wax-xoogaa horumar ah laga gaarey badbaadinta nolosha carruurta, in carruurtu ay tagaan iskuul iyo in dadka laga soo saaro saboolnimada. Soomaaliya gudaheeda tirada carruurta dhinta ka hor inta aaney shan sano gaarin ayaa hoos uga soo dhacdey 180 ka mid ah 1000 kii carruur ah ee nolol ku dhasha oo ay ahayd sanadkii 1990kii oo ay soo gaartey 137 sanadkii 2015kii.

Laakiin horumarkaa badanaa ma aha mid loo wada siman yahay oo la wada heley, ayaa ay tiri warbixintu. Carruurta ugu saboolsan ayaa ku dhowaad laba-laab uga dhow in ay dhintaan inta aaney gaarin shan sano jir iyo in ay nafaqo-xumo dabardheer ay hesho marka loo eego kuwa ugu hantida badan. Guud ahaan badi Koonfurta Aasiya iyo Afrikada ka hooseysa Sahara, ayaa carruurta ay dhaleen hooyooyin aan waxbarasho lahayn ay ku dhowaad saddex-laab uga dhow in ay dhintaan ka hor inta aaney 5 sano gaarin marka loo eego kuwa ay dhaleen hooyooyinka leh waxbarasho ilaa dugsi sare ah.

Waxaana gabdhaha qoysaska ugu saboolsan ay laba-laab uga dhow yihiin in la guuriyo iyaga oo carruur ah marka loo eego gabdhaha ka dhashey qoysaska hantida leh.

Warbixinta ayaa muujineysa caddeynta ah in marka la maalgeliyo carruurta ugu nugul laga heli karo faa’iidooyin degdeg ah iyo kuwo yimaada waqtiga fog. Celcelis ahaan, sanad kasta oo ku kordha waxbarashada ilmuhu helaan waxaa la sii kordha 10 boqolkiiba dakhliga soo gala marka uu ilmahaasi weynaado. Sidoo kale sanad kasta oo ku kordha waxbarashada ay celcelis ahaan helaan dhallinyarada da’ yarta ah ee dal, ayaa ay saboolnimada dalkaasi hoos u dhaceysaa 9 boqolkiiba.

Sinnaan la’aantu ma aha mid aan laga baaqsan karin, mana aha mid aan laga guuleysan karin, ayaa ay ku doodeysaa warbixinta. Xog ka wanaagsan tan hadda oo laga helo carruurta ugu nugul, xalal iskudhafan oo loo helo culeysyada haysta carruurta, siyaabo hal-abuur ku dhisan oo wax looga qabto dhibaatooyinkii horey u jirey, in la helo maalgelin u sinaanshaheedu ka wanaagsan yahay sida hadda iyo in la kordhiyo ka-qaybgelinta bulshooyinka – dhammaan tallaabooyinkan ayaa ah kuwo gacan ka geysan kara sii wanaajinta sidii fursado iskumid ah ay u heli lahaayeen carruurta.