U bood dhigaalka

UNICEF oo Sheegtay In Uu Hoos u Dhacay Khatarta Cudurka Duumada Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee markii magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNICEF ayaa sheegtay in xilligaan dalkeenna Soomaaliya ka yaraaday khatartii badneyd ee cudurka Duumada.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Dr. Anirban Chatterjee oo qoraal kasoo saaray Xafiiska uu ku leeyahay magaalada Nairobi ayaa sheegay in hadda ay hoos aad ugu dhacday dadka uu soo ridanayo cudurka Duumada kadib dadaallo badan oo la sameeyay.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay Mr Chatterjee in Soomaaliya laga caawiyo sidii guud ahaan cudurkaasi looga ciribtiri lahaa.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliya in kaalin xooggan ay ka qaataan la dagallanka cudurka Duumada oo horay u dhibaateeyay dad badan oo Soomaaliyeed.

“Adduunka waxaan u sheegayaa inuu hoos u dhacay khatartii waxyeellada cudurka Duumada ee Soomaaliya, lama dhihi karo dalka dhan wey ka baxday, laakiinse hadii lasii xoojiyo dadaallada arrinkaasi loogu jiro isbedallo badan baa imaan doona” ayuu yiri Chatterjee.

Cudurka Duumada ayaa saameeyay dad badan oo Soomaaliyeed, inakastoo dadaal loo galay sidii cudurkaasi looga hortagi lahaa.

Goobjoog News