Xogheyaha guud ee qaramada Midoobey iyo madaxa midowga Afrika ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay iney tanaasul muujiyaan, kana gudbaan ismariwaaga, sida ugu dhaqsaha badanna loo gaaro is afagrad lagu fulinayo heshiiskii September 17, 2020.
António Guterres iyo Moussa Faki ayaa ku ammaanay shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed horumarka la gaaray sanadihii dambe iyo Ilaalinta nabadda iyo xasiloonida la helay kadib sanado badan oo dhibaato ah.