U bood dhigaalka

Urur la dagaalamaya Qabyaaladda oo Muqdisho looga dhawaaqay

Sheeko:War
Caasho Cabdulaahi Ciise
Caasho Cabdulaahi Ciise

Waxaa Maanta Oo Sabti Ah Magaalada Muqdiho Looga Dhawaaqay Urur La magac baxay La dagaalanka Qabyaalada Soomaaliya Oo La sheegay In Uusan Ahayn Urur Siyaasadeed, Balse Bulshada Laga Wacyi Gelinayo Qabyaalada Iyo Xumaanta Ay Leedahay, Taas Bedelkeeda Lagu Baraarujinayo Qaranimada Iyo Qaayaha Ay Leedahay.

Caasho Cabdulaahi Ciise Oo Ah Guddoomiyaha Ururka La dagaalanka Qabyaalada Loogu Magac Daray Ayaa Weriyeheena Maxamed Salaad Cismaan U sheegtay in u jeedka ururka uu yahay sidoo looga hor tagi lahaa xumaanta iyo wax yeelada ay leedahay qabyaalladdu.

Qabyaaladu Waa Caqabada Ugu Weyn Ee Ku Hor Gudban Qranimimada Soomaaliya, Waana Dhibaato Dhaxalkeeda Ay Heleen Soomaalida Muddo Kabadan 20 Sano, Taas Oo Ilaa Iyo Waqtigan Dad Badani Ay Xasuustaan Mahadhooyinkii Dadka Kala Gaaray Xilliyadii Adkaa Ee Ina Soo maray.

Hada Oo La helay Dowlad Aan Ku Meel Gaar Ahayn, Dadkuna Ay Qabaan Rajooyin Ka duwan Xilliyadii Hore Ayaa Meelaha Qaar Laga Soo Werinayaan Dagaal Beeleed Salka Ku haya Qabyaalad Iyo Dhuleysi.