U bood dhigaalka

Urur Mideeya Muruq Maalka Shabellaha Dhexe Oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa looga dhawaaqay ururka Dhaq dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), kaasi oo baaba’ay xilligii ay dhacaysa dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ururkaan oo dib loo howlgaliyay ayaa mideyn doona dhammaan muruq maalka gobalka Shabellaha Dhexe, sida beeraleyda, Kallumeysatada, Gaadiidleyda iyo guud ahaan fashaxanleyda gobalkaasi.

C/qani Sheekh Maxamed oo ah xoghayaha ururkani ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa uu ururka qaban jiray iyo sidoo kale waxa hadda ka haray xarumahii uu ururka UDHIS ku shaqeyn jiray.

Waxa uu sheegay in dhammaan xarumahii iyo agabkii ururkaasi ku shaqeynayay ay hadda ka yaalaan oo kaliya dhulalkii oo banaan qaarkood iyo kuwo hay’ado ku shaqeeyaan, balse aanu jirin wax kale oo hadda ururka shaqadiisa degdeg ugu billaabo sida qalab ama xafiisyo diyaar ah.

UDHIS ayaa ku mideysan guud ahaan muruq maalka gobalka Shabellaha Dhexe, waxaana ururkan aanu shaqeyn muddo 25-sano ah, iyadoo looga fadhiyo inuu soo celiyo hantida heer qaran ee ururkaasi lahaan jiray.

Goobjoog News