U bood dhigaalka

Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed Oo Sheegay In Ay Wax Ka Qaban Doonaan Cabashada Shaqaalaha Dalka

Sheeko:Dalka

Ururu weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan cabashooyinka ay qabaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo caqabadaha soo wajaha.

Gudoomiyaha Ururkaan Maxamed Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog News isaga oo ku sugan magaalada Geneva oo ka soconayo shir arimaha shaqaalaha looga hadlayo, in diyaar ay u yihiin in isbedal buuxda ay la yimaadaan.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in shirkaan yahay markii ugu horeysay oo ay ka wada qeybgaleen Ururada Bulshada iyo xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana halkaasi khudbad uu ka jeediyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte

“Ra’iisul wasaare Ku xigeenka ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dib ugu soo laabatop saaxadaha shirarka caalamiga ah, waxa uu codsaday in Soomaaliya laga cafiyo lacagihii deynta ahaa ee lagu lahaa, waxa uu sheegay in shaqo la’aan ay dalka ka jirto maadaama aanay shaqeyn warashado ama waxyaabo kale oo shaqo abuur ah” ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Cismaan in ay halkaasi ka sheegeen iyaga oo ka socda ururada shaqaalaha in dowladda aanay mushaar muddo bixin, shaqaale badanna xuuq ka maqan tahay, laakiinse loo sheegay in dowladda lagu cadaadin doono bixinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Goobjoog News