U bood dhigaalka

Ururada Bulshada Rayidka Ah: Shirka Muqdisho Ka Socda Annaga Shaqo Kuma Lihin

Sheeko:Dalka

Ururada Bulshada rayidka ah ayaa sheegay in marnaba aysan taageeri doonin qodobada kasoo baxa shirka ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo aayaha dalka iyo hiigsiga 2016-ka.

Gudoomiyaha Jilayaasha aan dowliga ahayn Cabdullaahi Maxamed shirwac oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in shirkaasi ka bulsho ahaan aan lagu casuumin, isaga oo tilmaamay in welwel ay ka qabaan madaxda inta ay isku tagto ay go’aan soo saaraan ka dibna la sharciyeeyo.

“Waxaan walwal ka qabnaa, madaxda intay isku tagto oo la sharciyeeyo wixii la go’aansado, in mar walba la’iska boodo, waxaan la ogeyn oo sharcigii baal marsan la sharciyeesto aad baan u diidannahay, hadii ay soo baxdana qeyb kama noqoneyno”

“Annaga Casumaad nalooma soo sheegin, waxaan sugeynay in baarlamaanka arrintaasi uu soo sheego sida Bulshada rayidka uga qeybgalayso, laakiinse sidaan oo kale ayaa horay loo sheegay in bulshada rayidka laga qeybgalinayo shirkaasi, balse caalamka ayaa loo sheegaa, waxaan u sheegaynaa bulshada Soomaaliyeed in shirkaasi aan innagu ka mid ahayn” ayuu yiri Shirwac.

Sidoo kale waxa uu shirwac sheegay in marnaba aysan taageeri doonin ka bulsho ahaan wax walba oo hareer marsan sharciga, ama loogu xadgudbayo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu ugu baaqay in ay ka fiirsadaan go’aan walba oo kasoo baxa shirkaan, islamarkaana ay eegaan wax walba oo shacabka Soomaaliyeed ku qanacsanyihiin.

Ugu damebyna Gudoomiye Shirwac ayaa ku taliyay in wax walba oo looga hadlayo aayaha Soomaaliyeed uu noqdo mid ay ka qeybgalayaan bulshada Soomaaliyeed, dowladdana looga baahan yahay inay hogaamiso.

Goobjoog News