U bood dhigaalka

Ururada Bulshada Rayidka Oo Doortey Hoggaan Cusub

Sheeko:Dalka

Ururada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA ayaa kulan muddo Saddex maalin ah uga socdey magaalada Muqdisho waxay maanta ku doorteen hoggaan cusub.

Xubnaha ururkaan ayaa doortey guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen kadib markii uu waqtiga ka dhammaadey guddoomiyahii hore ee SOSCENSA  C/laahi Maxamed Shirwac.

Xilka guddoomiyaha waxaa u tarmayey musharraxiinta kala ah Diini Maxamed Diini oo helay 39 cod iyo Cismaan Muxyadiin Cali oo isna helay 24 cod.

Guddoomiye ku xigeen waxaa u tartamay xubnaha kala ah Cali Maxamed Yuusuf oo helay 38 cod iyo Axmed Dhuubow Keynaan oo isna helay 23 cod.

Guddoomiyaha SOSCENSA ee Labada sano soo aadan waxaa noqdey Diini Maxamed Diini, halka ku xigeenna noqdey Cali Maxamed Yuusuf.

Hoggaanka cusub ee la doortey ayaa ballanqaadey iney la imaan doonaan shaqo wanaag iyo horumarin.

Goobjoog News