U bood dhigaalka

Ururada Bulshada Rayidka oo Kaalin Laga Siinayo Hawlaha Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Kadib kulamo dhexmaray guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa la’isku afgartay wadashaqayn dhexmarta labada dhinac, iyada oo ururada kaalin laga siinayo hawsha qabanqaabada doorashooyin dalka ka dhaca.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo hadlaysay kadib kulankaasi ayaa laga soo xigtey iyada oo leh “Walaahi Talada ugu wayn  ee ka soo baxday  kulankaan waxa ay ahayd in Guddiga Madaxa bannaan uu san sinaba uga maarmin Ururada Bulshada Rayidka ah maxaa yeelay shaqadaan waxaa qaban doona kumaanaan kun oo qof kuwaas oo laga doonayo in ay  qabtaan shaqooyin badan marka waxaa soo baxday in ay is Aaminaan in ay is maqlaan in ay wada shaqeeyaan”.

Ururada bulshada rayidka ayaa waxaa ay sheegayeen in ay mugdi uga jiraan qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo dariiqa loo marayo, balse kulankani waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo dhexmara labada dhinac.

Inkasta oo la filayo in sanadka 2016-ka ay dhacaan doorashooyin ayaa balse wali aanan la’isku afgaran qaabkeeda, iyada oo maanta uu madaxda dalka oo ku kulmey Kismaayo ay soo saareen waqtiga la qabanayo wadatashiga xiliga ay dhacayaan doorashooyinka iyo qaabka ay u dhacayaan.

Goobjoog News