U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo 5 Qof Ku Toogtay J/hoose

Sheeko:Amniga

Xarakada Al-shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen Shan qof oo ay sheegeen iney la shaqeynayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka taageera dowladda.

Waxa ay Al-shabaab halka ay raggan ku dilayeen ay isugu keeneen dadweyne badan oo laga soo bixiyey goobaha ay ka deganaayeen deegaanka Xagar.

Ragga la dilay ayaa kala ahaa:

  • Cismaan Cabdulle C/laahi, waxaa lagu eedeeyey la shaqeynta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka.
  • C/kariin Muumin Axmed, waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayey hay’adaha sirdoonka dalka.
  • Xasan Barre Isaaq waxay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey ciidanka Kenya ee AMISOM.
  • Cumar Xasan Axmed, waxay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey CIA-da Maraykanka.
  • Axmed C/laahi Warsame waxay Al-shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey CIA-da Maraykanka.

Al-shabaab ayaa horey sidan oo kale waxay deegaannada ay maamulaan ugu toogteen rag ay sheegeen iney la shaqeynayeen dowladda federaalka iyo sidoo kale dowladaha taageerada DF.

Goobjoog News