U bood dhigaalka

Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Idaacadda Goobjoog

Sheeko:Dalka

Ururuka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ayaa maanta shahaado sharaf waxa ay guddoonsiiyeen Idaacadda Goobjoog iyo sidoo kale Wariye Cabdifitaax Xasan Axmed Kalgacal oo ah soo saaraha barnaamijka Naadafada ee Idaacadda ka baxa.

Shahaadadaan ayaa lagu bixiyay Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo lagu maamuusayay maalinta Usha Cas ee dadka araga la.

Munaasabadaan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha udooda horumarinta xuquuqda aadanaha iyo bahda waxbarashada.

Mas’uuliyiin u hadashay ururuka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ayaa ku amaanay Idaacadda Goobjoog sida ay ugu istaagtay soo banaan dhigista baahiyaha ay qabaan dadka naafaada ah, iyo sidoo kale in loo sameeyo barnaamij gaar ah.

Shaado sharaftaasi waxaa Idaacadda u gudoomay Agaasimaha Goobjoog Xasan Maxamuud Maxamed, halka Wariye Cabdifitaax Kalgacal uu isna gudoomay Shahaadadii lagu sharfay.

Munaasabadaasi ka dib ayaa Goobjoog News, waxa ay si gaar ah u wareysatay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka qeybgalay munaasabadaan, kaasi oo ku dheraaday ka hadlay xaaladda naafadda Soomaaliyeed iyo sida ay gurmadka ugu baahan yihiin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in weli aanu arag miisaaniyad sanadeedka dowladda oo lagu soo daray baahiyaha gaarka ah ee dadka naafadda qabaan, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in sanadkaan aan la aqbli doonin taasi, islamarkaana ay dowladda ku cadaadin doonaan sidii dadka naafada ah ugu sameyn lahayd hay’ad gaar ah walibana miisaaniyad leh.

Idaacadda Goobjoog ayaa barnaamij gaar ah u sameysay dadka naafadda ah, waana Idaacadii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo sameysa barnaamijkaan oo ay soo dhaweeyeen naafada Soomaaliyeed.

Goobjoog News