U bood dhigaalka

Ururka Islaamka: Soomaaliya Kala U Bar Dadka Waxaa Ay U Baahan Yihiin Gargaar Banii’aadnimo

Sheeko:Dalka

Xoghaya guud ee ururka Islaamka (Organization of Islamic Cooperation) Yousef Al-Cuthaiman ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya.

Mr. Cuthaiman waxaa uu hey’adaha gargaarka iyo ururrada bulshada rayidka ugu baaqay in ay caawimaad la soo gaaraan Soomaaliya, sidaa waxaa qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga.

Xoghaya guud ee ururka Islaamka waxaa uu beesha caalamka sidoo kale ku dhiirigeliyay in ay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya, isaga oo taabtay dhinacyada beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga. arrintaas oo wax badan ka tari doonta hor-u-marinta kaabayaasha dhaqaale, in demaha laga gudbo iyo dib u soo celinta ammaanka.

Mr. Cuthaiman waxaa uu ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara roob la’aanta ka jirta geeska Afrika iyada oo 17 Milyan oo 6 Milyan oo ka mid ah ay Soomaaliya ku nool yihiin ay heyso dhibaato banii’aadamnimo.

“Soomaaliya keliya in ka badan 6 Milyan-waa kala-u-bar dadka- ayaa u baahan gargaar banii’aadamnimo” sidaa waxaa shirka London ka sheegay Al-Cuthaiman.

Illaa 1 Milyan oo caruur ah ayaa u baahan daaweyn, 200,000  oo ka mid ah waxaa heyso nafaqa darro.

Goobjoog News