U bood dhigaalka

Ururka Suxufiyiinta NUSOJ oo Maanta Xusey Maalinta Xuquuqul Insaanka

Sheeko:Dalka

nusojIyada oo ay dalka ka jiraan tacatiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo waliba dadka tabarta daran ayaa waxaa maanta dalka ka biloowdey xuska maalinta xuquuqul insaanka ee adduunka , waxaana  maalintani xusey ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Munaasabadani xuska ayaa waxaa kasoo qeybgalay ururo kala duwan oo ka socdey Muqdisho iyo gobolada dalka qaar.

Halku dhiga maanta ee xuska xuquuqul aadanaha waxa uu ahaa “365-da maalmood ee sanadka oo dhan waa maalmaha xuquuqul insaanka”.

Ururka suxufiyiinta Soomaaliyee ee NUSOJ ayaa ku baaqay in wariyeyaasha xiran maxkamad lasoo hortaago halkii ay iska xirnaan lahaayeen, waxayna dowladda u jeediyeen codsi ah in ay tixgaliso xuquuqda wariyeyaasha xiran.

NUSOJ ayaa sidoo kale ka tacsiyeysey wariyeyaashii shalay qaraxa ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmay, wuxuuna ururka sheegey in halista wariyeyaasha ku heysata Soomaaliya ay aad u badantahay.

Maalinta xuquuqul insaanka ayaa ku began 10-ka bishan December, balse ururada bulshada rayidka ah oo shan ah ayaa kala qaatay shanta maalmood ee soo socda in maalinba uu urur xuso maalinta xuquuqul insaanka.

Goobjoog News