U bood dhigaalka

Ururrada Bulshada Rayidka Oo Ku Baaqay in Mar kale Uusan Fashilmin Shirka Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Ururrada Bulashada Rayidka ayaa war ka soo saaray shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Doowlad Gobaleedyada dalka uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Kulan ay maanta yeeshen Isutagga Ururrada Bulashada Rayidka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in aanan la hakin shirka dhuusamareeb illa xal laga gaaro dhamaan tabashooyinka doorashada ku hor gudban, sidoo kale in aan lagu fashilmin sidii shirkii ka horeyay.

Fadhiga ururrada maanta ay yeesheen ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda bini aadanimo ee qeeyba ka mid ah dalka ka jirta .

Hoos Ka Akhriso War saxaafadeedka Isutaga Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.