U bood dhigaalka

Ururrada Midowga Yurub  iyo FAO Oo Sii Wadi Doona Taagerada Abuurka ee Beeraleyda Soomaalida

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub, dowladda federaalka iyo hey’adda FAO ayaa ku heshiiyay maanta barnaamij cusub oo  hey’adahaas ay ku joogteeyaan taageerada ay siiyaan beeraleyda Soomaaliya.

Richard Trenchard oo ah wakiilka FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in hey’adooda ay ogyihiin ahmiyadda ay beeraleyda u leedahay abuurka, kor u qaadista wax soo saarka iyo dhimista cudurrada ka dhalan kara.

“Sanado badan ayey Beeraleyda ku tiirsanaayeen abuur la soo dhoofiyay oo qaali ah laakin arrintaa waa is badashay oo waxaa  sababtkeeda iska leh midowga Yurub” ayuu ku daray Trenchard.

Barnaamijka oo loo yaqaano “Somaseeds , waxaa ay ujeedadiisu tahay in la xoojiyo tayada abuurka, waxaa ay midowga Yurub ku bixinayaan arrinkaas ilaa €2.5 million .

Heshiiskan dhexmaray Midowga Yurub, dowladda federaalka iyo hey’adda FAO waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka beeraha federaalka iyo wasiirada beeraha ee dowlad goboleedyada dalka kuwaas oo u xilsaaran fulinta mashruuca.

Wasiirka Beeralaha Federaalka Axmed Xasan Gaboobe  oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid qaran isagoo intaa raaciyay in looga maarmi doono in abuur qaali ah dibadda laga keensado.

Madaxa EU Cooperation Daria Fane ayaa isna dhankiisa sheegay in barnaamijkan uu kor u qaadi doono beeraleyda isagoo intaa ku daray in beeraha ay soo saari doonaan abuur fiican oo tayo leh.

Labo xarun baaritaan ayaa la sameyn doonaa si barnaamijkan hirgalintiisa ula socdaan, mid waxaa uu saldhigeeda noqon doonaa Doolow oo Jubbaland ah halka midda kale la geyn doono Aburiin ee Somaliland.

Waxaa kaloo plots wax lagu tijaabiyo laga sameyn doonaa Magaalooyinka Jowhar iyo Burco.

Goobjoog News