U bood dhigaalka

USAID: Xaaladda abaaraha Soomaaliya waa mid masiibo ah, oo lamid ah abaartii dhacday sanadihii 2011

Sheeko:Amniga

Hay’adda dowladda Maraykanka u qaabilsan macaawinada dibadda ee USAID ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanada Soomaalida.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda macaawinada dibadda u qaabilsan dowladda Maraykanka Thomas Solomon ayaa sheegay in laga cabsi qabo in sanadkaan roobka la filayo uu noqon waayo mid ku filan deegaanada abaarta ay ka jirto.

USAID ayaa sheegtay in 4.5 milyan qof ay wajahayaan gudaha Soomaaliya abaar baahsan, dadkaan ayaa la sheegya in Hal milyan iyo afar boqol oo kamid ah ay yihiin carruur.

“Xaaladda abaaraha Soomaaliya waa mid masiibo ah waa mid lamid ah abaartii dhacday sanadihii 2011-ka  illaa iyo 2012-ka, xilligaan waxa ay abaartu saamaysay 4.5 milyan qof oo Soomaaliya jooga, waxaana tirsadaas ku jiray 1.4 milyan oo carruur ah,” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda macaawinada dibadda u qaabilsan dowladda Maraykanka Thomas Solomon.

Solomon ayaa sidoo kale sheegay in  dad kor u dhaafaya 700 oo kun oo qof ay guryahoodii ka barakaceen si ay u helaan cunno iyo biyo.

Sikastaba ha ahaatee muddo ka badan laba xilli Roobaad ayaan wax roob ah ka da’in gudaha Soomaaliya, xilli deegaanada qaar ee dalka ay abaarta ugu dhinteen dad iyo duunyaba.

Goobjoog News