U bood dhigaalka

Villa Somalia:- Fahad Yasiin Waxa Xannibtay Jabuuti.

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore oo Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa usoo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegayo inuu ka xunyahay xannibaad Jabuuti loogu gaystay Agaasimhii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa sidoo kale lagu sheegay warka kaso baxay Villa Somali in Fahad uu berri ka qeyb geli lahaa Shirka amniga qaranka oo Farmaajo kal hore uu ku baaqay in la qabto 18 septemper.

Barqanimadii maanta waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada JABUTI ku hakatay, diyaaradaha Turkish Airline oo kasoo kicintintay magaalada istanbul iyadoo ku socotay caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu, waxaana soo baxayay warar sheegaya in masuuliyiinta Jaabuuti ay diyaardaas kala dageen Fahad Yasiin oo galdacwadeed kaga furanyahay Maxkmadda CQS ee soomaaliya.

 

GOOBJOOG NEWS.