U bood dhigaalka

Villa Somalia: Lacag Ayaan Soo Daabacaynaa

Sheeko:Amniga

Dowladda cusub ee Soomaaliya, oo la kowsatay xaalad abaaro iyo dhaqaallo xumo baahsan ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso sidii wax looga badali lahaa dhaqaalaha dalka.

Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, oo ka hadlay shirka dhaqaalaha qaranka oo Muqdisho ka socda ayaa sheegay in ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay qorsheyneyso sidii loo soo daabici lahaa lacagta shilin Soomaaliga.

“Waxaa qorshaha ka mid ah in la sameeyo lacag shilin Soomali ah, oo aan rajeynayo runtii in ay noqoto mustaqbalka mid dalkaan iyo dadkaan dhaqaalihiisa waxka badasha, waana miisaanka lagu cabiro dhaqaalaha qaranka.”

Lacagta shilin Soomaaliga ah, ayaa noqotay mid hadda ku dhaw in ay dabar go’do xilli muddo kabadan 30 sano dalka aan wax lacag ah la daabicin.

Goobjoog News