U bood dhigaalka

Villa Somalia: Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Xalay Ee Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada?

Sheeko:Amniga

Saacadihii tagay, waxaa Villa Somalia ka socday, wada hadallo u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada.

Qaar ka tirsan wufuudda shirka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga hadlay guddiyada doorashada dadban, howlmaameedkooda, ajendaha doorashada, muddeynta iyo arrimo kale.

Arrimaha ugu weyn ee miiska saarnaa ayaa ahaa  in laga hadlay arrimo la xiriira, guddiga dadban ee maamulaya doorashada xidhibaannada baarlamaanka ee 2020/2021.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda magacaabaan guddi labada heer ah, oo la mid kuwii maamulay doorashadii 2016, waxaana jira dood ah in kuwii hore qaar naga keeno, si looga faa’ideysto khibardooda.

Arrimaha kale ee shirkan xoogga lagu saaray waa sidee roadmap loogu sameyn rabaa jadwalka doorashada 2020/2021, taasi oo wax weyn ka tari-doonta xisiloonida dalka.

Waxaa kale, oo ahmiyad la siiyey goorta ay si rasmi ah u bilaabaneyso doorashada iyo xilliga ay tahay in la soo gabagabeeyo.

Inkasta oo aan la sheegin in maanta la isku soo laabanayo iyo in kale laakin wararka ayaa sheegaya in qolo walba laga sugayo magacyada guddiyada iyo soojeedintooda ku aadan arrimaha laga hadlay.

Goobjoog News