Villa Somalia oo Arrinta Jamal Khashoggi Darteed La Safatay Sacuudiga, Maxay Ka Dhigantahay?!

Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya taagereyso dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, go’aankan ay qaadatay Muqdisho waxaa uu ka hor imaanayaa Turkiga iyo Mareykanka, waxaa uu sidoo kale muujinayaa sida ay Soomaaliya u aragto arrinta Jamal Khashoggi.
Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.
Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”.
Qoraalka Soomaaliya waxaa uu daba socdaa mid ay shalay qortay wakaaladda ku hadasha afka boqortooyada Sacuudiga ee SPA iyada oo soo xigatay mas’uul aaney magacaabin, “ Waxaa caddeyneysaa boqortooyada Sacuudiga inay iska diideyso handadaad iyo wiiqid kasta, ha ahaato in loogu caga jugleeyo cunaqabateyn dhaqaale, ama adeegsi cadaadis siyaasadeed ama xataa eedeymaha soo noqnoqda ee baadilka ah”, qoraalka waxaa kale oo ku jiray “haddii cid ay tallaabo qaado, boqortooyada waa ka jawaabi-doontaa, dhaqaalaha boqortooyada waxaa kaalin muhiim ah ugu jiraa dhaqaalaha caalamka”.
Sacuudiga waxaa uu wajahayaa cadaadis caalami ah kadib dilka weriyaha Jamal Khashoggi, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu sheegay in la ciqaabi-doonno haddii ay ku cadaato inay dileen.
Dhinaca kale shir caalami ahaa oo arrimaha maalgeshiga ku saabsanaa, oo ka dhici lahaa Sacuudiga October 23 ayaa waxaa ka baaqsaday shirkado iyo shakhsiyaad ay ka mid yihiin: Financial Times, Bloomberg, CNN, The New York Times, Economist, CNBC, Dara Khosrowshahi oo Uber ah, Bob Bakish oo ka socday Viacom, Steve Case oo ah AOL iyo madaxweynaha bangiga adduunka Jim Yong Kim.
Go’aankan cusub ee Soomaaliya waxaa uu ka hor imaanayaa dhex-dhexaadnimadii, waayo Jamal Khashoggi waxaa lagu dilay Turkiga, waxaa hubaal ah in Turkiga aaney ku faraxsaneen talaabada Muqdisho.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa haye-raac u noqotay Sacuudiga, August 8, ee sanadkan, war saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada faragelinta Canada.
Qoraalka ayaa u qornaa “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”
Goobjoog News
Cvjgkj pgwitr Cialis buy online is there a generic cialis available?
Zeybjn ppvbdj Low price cialis cialis price walmart
Fyhufr dhncct Best way to take cialis canadian pharmacy online
Xgnlir cekvjq buy viagra on internet
Gfookx vmyzbq
online canadian pharmacy review buy cialis online without prescription
Qznqci txinan generic cialis no rx Xenwm
Tygwgw qrpbtl custom essay writers Vpwhh
Gtoyqk ruhvxf where can i buy cialis cheap Kjtym
Wzyyip axsyax term papers custom Otzxc
Nofxbh ydfdgx real money casino online Jiuvf
Rmmaya udnrqf buy viagra missouri Xpqak
ed treatment mail order pharmacy longs drug store
Akqdbl rpzupc how do i get cialis Efqyo
24 hour drug store near me п»їviagra online canadian pharmacy indian pharmacy online
Nfvyyj bwnnye canada drugs review Bvndj
Aunkgq xzrnxq sumycin price Yrocc
Xeejor jwpcxt sildenafil price Wpwpt