U bood dhigaalka

Villa Somalia oo Beenisay Xasan Sheekh In Uu Tagay Isreal

Sheeko:Amniga

Villa Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, xilli uu ku guda jiray safarkii uu ku joogay Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada C/kariin Cali Kaar ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Soomaaliya iyo Israel aysan wadaagin xiriir diblomaasiyadeed.

“Israel ma Imaaraadka ayey ku dhex taalla? Maya, maadama laheyn xiriir diblumaasiyadeed haddii la tago xataa wax la qaraniyo ma aha, laakiin lama tagin,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan safarka Madaxweynaha ee Israa’iil ayaa ka dhashay dib u dhac uu kaga soo laabtay Imaaraadka.

Booqashada madaxweyne Maxamuud ee Abu Dhabi oo loogu talagalay in ay qaadato laba maalmood ayaa isu beddeshay toddobaad, taas oo dhalisay buuq badan oo ka dhacay baraha bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 19-kii bishan u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ay dib ugu soo laabteen Jimcihii 24-ka June.

Goobjoog News