U bood dhigaalka

Villa Somalia oo Mar 2-aad Ka Beensheegtay Furitaanka Shirka Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka muuqato iskudhexyaac la xiriira muddeynta shirka doorashada, iyada oo markii 2-aad ay beenowday ballanqaadka qabsoomidda shirka doorashada ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia ayaa horay labo jeer u daabacay inuu furmaya shir u dhaxeeya Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada tiiyo beenowday.

Shirka ayaa lagu sheegay inuu dhacayo 2-badii bishan September iyada oo loo qoray sidan:

Markii qoraalkaas hore beenoobey ayey maalmo kadib soo dhigeen waqti kale iyaga oo ku adkeystay inuu furmayo maanta oo khamiis ah, tiiyo mar kale been noqotay.

Madaxda ilaa 5 dowlad goboleed ee kala ah Axmed Madoobe(Jubbanad), Cabdicasis Laftagareen(Koonfur Galbeed), Maxamed Waare(Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) , Saciid Deni(Puntland) oo lagu daray duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ku sugan caasimadda Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir looga hadlayo sidii dalkan uga dhici laheyd doorasho dadban kadib markii maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay doorasho qof iyo cod ah, waxaa kale oo lagu wadaa in Farmaajo laga saxiixo in aanu waqti kordhis sameyn oo sidoo kale lagu heshiiyo waqtiga doorashada.

Goobjoog News